Qalbigaa si fudud mar u dhiibay
Mar labaad inaan dhayal siiyo
Qof dhibayo waan ugu dhaartay
Aniga nafteydi dhayaya
Dhaqtarjeedi guud noqonaya
Farxadeedi gaar u dhisaaya
Dhib dambana qudhan mudan meyso
Waxan faray dhambaal niyadaydi
Waxan baray is dhowr nafsadayda
Waxan qubay dhacdoyin xasuus leh
Waxan jaray xiriir dhalan teed ah
Jacayl oo dhan baan iska dhaafay
Jacayl oo dhan oo dhan baan iska dhaafay
Wehel aad dhankiisa tabayso
Dugsi dhaxanta aan celineynin
Ka dheerow ayaa mar mar dhaanta
Ka dheerow mar mar dhaanta